Somaliland oo ka Qaybgashay Shir Lagu Xoojinayo Iskaashiga Ganacsi ee Ingiriiska iyo Afrika

Warbaahinta busiweek ayaa tilmaantay in Jamhuuriyadda Somaliland ay doonayso inay ku qanciso ganacsiyada, shirkadasha iyo maalgashadaayaasha dalka Ingiriiska inay ku dhiiradaan inay qayb ka noqdaan iskaashiga u dhexeeya Boqortooyada Ingiriiska iyo Afrika, isla markaana ay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland”

Shirka maalgashiga ee Afrika ee UK, oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Ganacsiga Caalamiga ah ee Boqortooyada Midowday, ayaa kulminaya UK iyo ganacsatada Afrikaanka ah, si ay u sahamiyaan fursadaha iskaashi iyo maalgashi, waxaana shirkaasi qayb ka ah Jamhuuriyadda Somaliland.

Baashe Cumar Cawil, ergayga Somaliland ee Kenya oo qayb ka ahaa shirkii maalgashiga ee 2021 ee UK iyo Afrika Arbacadii ayaa sheegay in Dekedda Berbera ee ay ballaadhinta ka waddo shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabtu ay gebogebo marayso, taas oo door weyn ka ciyaari doonto Geeska Afrika. Waxaanu ku baaqay in Boqortooyada Midowday ee UK ay ka faa’iideysato maalgashiga.

“Waxay ahayd wax weyn inaan qayb ka ahaado shirka la doonayo in la isku xidho ganacsiyada Ingiriiska iyo Afrika ee diiradda saaraya abuuritaanka fursado maalgashi ee mustaqbalka kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha iyo tikniyoolajiyadda cagaaran. Waxaanu sidoo kale jecel nahay in aannu ka codsano ganacsatada UK inay ku dhiiradaan dekedda Berbera oo door weyn ka ciyaari doonta horumarka Geeska Afrika” ayuu yidhi Baashe.

Baashe wuxuu sheegay in Somaliland ay door firfircoon ka ciyaari doonto iskaashiga UK iyo Afrika, iyadoo siinaysa fursado muwaadiniinta Ingiriiska ah inay ku dhiiradaan oo ay maalgashi ku sameeyaan dalka Somaliland.

“UK uma baahna wax hordhac ah oo ay u soo gudbiso Somaliland. Ingiriisku wuxuu markii ugu horraysay booqasho ku yimid Somaliland 100 sanon ka hor, wuxuuna dalka u rogay maxmiyad ka hor intii aanaan xornimada qaadanin sannadkii 1960. Boqortooyada Ingiriiska way ogtahay awoodda Somaliland iyo waxa dalku ku yaboohi karo ee ku saabsan fursadaha maalgashi, ”ayuu yidhi Baashe.

Dood-wadaageyaashii intii shirku socday waxay u aqoonsadeen tamarta la cusboonaysiin karo in ay tahay fursad muhiim u ah dib uga soo kabashada Afrika ee COVID-19 iyo barwaaqada dhaqaale, maadaama ay ku baaqeen iskaashi adag oo u dhexeeya Boqortooyada Ingiriiska iyo Afrika.

Guddigu, wuxuu hal ku dhig ka dhigey Ingiriiska iyo Afrika: Iskaashiga kaabayaasha waara iyo adkeysiga kaabayaasha dhaqaalaha, waxay ka wada hadleen doodo ku saabsan hal-abuurka Ingiriiska iyo waayo-aragnimada la xidhiidha iskaashiga Afrika si loo horumariyo arrimaha dhaqaalaha. Xubnaha guddiga ayaa sheegay in maalgashiga mashaariicda ballaadhan ee korontada ay fure u noqon doonto.

Wadamada Afrika ayaa si fiican uga soo kabanaya xanuunkii Coronavirus, ayuu yidhi Louis Taylor, oo ah agaasimaha guud ee dhoofinta maaliyada UK, isaga oo intaas ku daray in tani ay fursad u tahay maalgashadayaasha UK inay qayb ka noqdaan sheekada guusha Afrika iyo in dalalka Afrika ay helaan taageerada UK ee mashaariicda. ”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker