Askar ka tirsan ciidamada Burundi oo weerar lagu laayey

Ugu yaraan sideed askari oo u dhashay dalka Burundi ayaa lagu dilay Weerar xilli habeen ah lagula beegsaday kayme u dhow xuduudda dalka Rwanda, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga dalkaas.

Tobaneeyo askari oo kale ayaa lagu la’yahay Weerarkan oo ah mid ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee asiiba ciidamada Burundi, sida ay sheegeen saraakiil militari.

“Koox ku hubeysan qoryo oo ka yimid Rwanda ayaa soo weeraray saldhigga ciidamada Burundi ee Mount Twinyoni,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Major Emmanuel Gahongano, oo ka hadlay taleefishinka dowladda.

“Kooxdan hubaysan waxay u baxsadeen Rwanda.” Ayuu sii raaciyey.

Burundi ayaa ku dhex jirtay xasarad tan iyo markii madaxweyne Pierre Nkurunziza uu jebiyey dastuurka, si uu xafiiska u fariisto markii saddexaad, isaga oo dib u doorasho ku guuleystay 2015-kii.

Burundi ayaa marar badan ku eedeysay dalka ay deriska yihiin ee Rwanda inuu taageero koox mucaarad ah oo dalkaas ka jirta, eedeymahaas oo Kigali ay beenisay.

Weerarka ayaa saacadihii hore ee axaddii ka dhacay kayme 100km u jira magaalada caasimada ah ee Bujumbura, islamarkaana 10 km ka baxsan xuduudda Rwanda.

Illaa iyo hadda ma jirto koox ka mid ah kooxaha hubeysan ee Burundi oo sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker