Ciidamo Ka Tirsan AMISOM Oo Qarax Lagula Beegsaday Magaalada Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa gelinkii dambe ee maanta waxaa qarax miino lagula eegtay meel ku dhaw isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ka dhashay miinada dhulka lagu aaso ayaa haleelay mid ka mid ah kolonyada gaadiidka ay wateen ciidamada AMISOM.

 

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta  u sheegeen in qaraxa kadib ciidamada AMISOM ay rideen rasaas fara badan.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dha ta ah ee ka dhashay qaraxan lala bartilmaameedsaday ciidankan.

Waxaa la soo sheegayaa in hada uu dib furmay isu socodka gaadiidka wadadaasi oo xirmay markii uu qaraxa dhacay.

Inta badan wadadan ayaa waxaa qaraxyada miinooyinka lagula eegtaa ciidanka AMISOM, iyada oo qaraxyada ay halkaasi ku aasaan Al Shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker