Xaalada Boqortooyada Sucuudiga oo Cakiran iyo Amiir Bin Salmaan oo joojiyay Safarradii Dibada,

Xaalada Boqortooyada Sucuudiga oo Cakiran iyo Amiir Bin Salmaan oo joojiyay Safarradii Dibada, wufuud caalami ah oo ay ku jiraan Mareykanka, Ruushka iyo Shiinaha oo booqanaya Boqortooyada iyo shakiga Arrimaha ka socda Daaha dabadiisa

Israel oo Markii ugu horaysa Heshiis Ganacsi oo Xora la gashay Dalcarbeed, iyadoo ay korodhay dhibaata ay yuhuudu ku hayso falastiin iyo Masjidka al aqsa

Afhayeenka Madaxweynaha Turkiga, Ibrahim Kalin, ayaa shaki galiyay xaaladda caafimaad ee Boqor Salmaan Bin C/casiis, kaddib markii uu dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan uu ka hadlay, dib u dhac ku yimid booqashadii lagu waday inuu ku tago dalka Turkiga, sababo la xidhiidha xanuunka Aabihii Boqor Salmaan, waxaana Boqortooyada ka dhacday xaalad siyaasadeed oo xooggan. dhaq-dhaqaaqyo soo bandhigaya siraha ka dhacaya daaha dabadiisa oo u muuqda Diyaar garowga ku wareejinta awoodda amiirka da’da yar daqiiqad kasta.

 

Dib u dhigista booqashadii bin Salmaan ee Turkiga

“Waxaan fileynaa in booqashadan ay dhici doonto maalmaha soo socda, inta lagu guda jiro bisha June, saaxiibadeena ay khuseysona waxay ka shaqeynayaan sidii ay u cayimi lahaayeen taariikhda” ayuu yiri Kalin oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Anatolia ee dalka Turkiga.

 

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii uu si rasmi ah u shaaciyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu, War ku saabsan booqashada dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu ku tagayo dalka Turkiga, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu hagaajinayo xiriirka labada dal oo soo billowday dhawaan, kadib booqashooyin labada dhinac ah oo ay yeesheen mas’uuliyiinta labada dal, kuwaasi oo uu ugu dambeeyay booqashadii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ku tagay Sacuudiga.

 

“Booqashada Bin Salmaan waxay ahayd inay hore u dhacdo Bishan, laakiin waxaan ku heshiinnay inay dhacdo inta lagu jiro bishan maalmaha soo socda,” ayuu yiri Davutoglu.

Waxaa la filayey in bin Salmaan uu tago safar dibadda ah oo ay ku jiraan Turkiga, Greece, Qubrus iyo Masar bilowgii bishan, taasoo ah tallaabo cusub oo lagu hagaajinayo xiriirka Sacuudiga iyo Turkiga.

 

Dhaqdhaqaaq xoogan oo ka socda Riyaad

Riyaad waxaa muddo bil ku dhow laga arkay dhaq-dhaqaaq diblomaasiyadeed iyo mid siyaasadeed oo xooggan. kaasoo ku billowday booqashooyin dalal Carbeed iyo kuwo reer galbeed ah, iyo u diyaar garowga kulammo ay la yeelanayaan wufuud caalami ah oo ay ku jiraan Mareykanka, Ruushka iyo Shiinaha.

 

Shalay oo Talaado ahayd, waxaa magaalada Riyadh gaadhay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov, isagoo wata faylal muhiim ah, kuwaas oo la filayo in maanta loo gudbiyo Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Golaha Iskaashiga Khaliijka oo ku sugan dalka Sacuudiga.

Toddobaadkii hore, wafdi ka socda Congress-ka Mareykanka ayaa booqasho ku tagay Boqortooyada Sacuudiga, waxayna la kulmeen Amiir Maxamed Bin Salmaan, waxayna tani timid ka dib booqashadii Amiir Khaled bin Salmaan ee Washington, oo ay ka wadahadleen isu soo dhaweynta labada dal guud ahaan, iyo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Gaar ahaan Amiir Maxamed Bin Salmaan, kadib markii ay soo kala dhex galeen xiisado iyo siyaasad Cakiran tan iyo intii bilawday duulaanka ruushka ee Ukraine.

Ilo wareedyo ka tirsan Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in Bin Salmaan uu bishan la kulmi doono Biden, si ay uga wadahadlaan arrimaha guud iyo Xogaha ay wadaagaan, gaar ahaan qiimaha tamarta adduunka, balse falanqeeyayaasha ayaa la xidhiidhiyay xilliga booqashada iyo waxa ka socda qasriga boqortooyada Al Yamaama iyo xanuunka Boqor Salmaan. taasoo muujineysa in kulanku uu yahay mid loogu diyaar garoobayo soo afjarida khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Biden iyo “boqorka” cusub ee Sacuudi Carabiya, gaar ahaan labada dal oo muddo dheer ahaa xulafo istaraatiiji ah.

Xanuunka Boqor Salmaan

Bishii la soo dhaafay, Maxkamadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in Boqor Salmaan Bin C/casiis uu galay isbitaalka caafimaadka ee Jeddah si baadhitaanno loogu sameeyo, Kadib xanuuunkii haleelay ee dhinaca midhicirka.

Warbaahinta reer galbeedka ayaa ku soo waramaysa in Boqortooyada ay dhif iyo naadir ku tahay in ay ku dhawaaqaan xanuunada haleela boqorradeeda, taas oo muujinaysa in dhawaan lagu dhawaaqay ay ka dhigan tahay mid lagu diyaarinayo jawiga xaalad kasta oo degdeg ah oo dalka ka dhacda.

Boqor Salmaan oo 86 Jir ah ayaa qalliin lagaga sameeyay xameetida sanadkii 2020, waxaana sidoo kale laga bedelay qalab Xoojiya garaaca Wadnaha oo hore loogu rakibay.

 

Dhaxal sugaha..boqorkii la sugayay

Amiir Maxamed bin Salmaan ayaa Heshiiska Xilka dhaxalsugaha helay sanadkii 2017, labo sano kadib markii aabihii Boqor Salmaan uu la wareegay talada dalka.

Wax yar ka dib, amiir Maxamed waxa uu bilaabay in uu sii adkeeyo Mansabkiisa Dhaxalsuge, waxa aanu ku dhawaaqay mashruuc cusub oo uu u samaynayo boqortooyadu oo loogu magac daray “Vision 2030”, kaas oo uu ku ballan qaaday in uu kala qaybin doono ilaha dhaqaale ee Sucuudiga oo aanu si buuxda ugu tiirsanaan shidaalka, iyo in uu soo bandhigo hindiseyaal iyo sharciyo cusub. Taas oo gabi ahaanba bedeshay qaab nololeedka Sucuudiga ee dhinaca dhaqalaha.

Amiir Maxamed waxa uu hormuud ka ahaa olole weyn oo ka dhan ah dadka lagu tilmaamay in ay wakhtigaas ahaayeen kuwo “musuq-maasuq sameeyey” oo ay ka mid ahaayeen in la xidho amiirro ka tirsan qoyska talada haya iyo in lagula xisaabtamo hantidooda, xilligaasi oo dawladda Sucuudigu ay malaayiin dollar ka soo saartay jeebabka Amiiro, Ganacsato iyo Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Boqortooyada Sucuudi Cararabiya.

Amiir Maxamed waxa uu madax ka yahay Xilalka jagooyin kala duwan, oo ay ku jiro xilka dhaxal sugaha, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka marka laga soo tago inuu yahay Wasiirka Difaaca. Waxa kale oo uu guddoomiye u yahay golaha arrimaha siyaasadda iyo amniga iyo sidoo kale golaha dhaqaalaha iyo horumarinta, Boqortooyada Sucuudigu muddadii uu hoggaaminayey sannadihii u dambeeyey waxa ay ku tallaabsatay horumar iyo furfurnaan aan la qiyaasi karin, taas oo horseed u ahayd doorka hoggaamineed ee Sucuudiga ee gobolka iyo caalamiga.

Israel oo Markii ugu horaysa Heshiis Ganacsi oo Xora la gashay Dalcarbeed

Israa’iil ayaa heshiis ganacsi xor ah la saxiixatay Imaaraadka Carabta, heshiiskaas oo ahaa kii ugu horreeyay ee ganacsi oo weyn oo ay la gasho dowlad Carbeed, waana tillaabo lagu horumarinayo ganacsiga u dhexeeya labada waddan ee Bariga Dhexe.

Heshiiskan ayaa waxaa magaalada Dubai ku kala saxiixday wasiirka dhaqaalaha iyo warshadaha ee Israel Orna Barbivai iyo dhiggeeda, wasiirka dhaqaalaha ee UAE, Abdulla bin Touq al-Marri, Talaadadii ka dib bilo wada xaajood ah oo u dhexeeyey labada dal.

“Waa la dhamaystiray,”  ayuu yidhi Safiirka Israa’iil ee Imaaraadka Amir Hayek  qoraal uu Twitter-ka soo dhigay, isagoo ka jawaabaya qoraal kale oo uu horay u soo dhigay Twitter-ka isagoo leh “Imaaraadka iyo Israa’iil waxay saxiixi doonaan heshiis ganacsi saacadaha soo socda”.

Guddoomiyaha Golaha Ganacsiga ee Imaaraadka iyo Israa’iil Dorian Barak ayaa sheegay in heshiiska ganacsi uu qeexayo heerka canshuuraha, wax soo dejinta iyo hantida aqooneed, taasoo dhiirigelin doonta shirkado badan oo Israa’iili ahi inay xafiisyo ka furtaan Imaaraadka Carabta, gaar ahaan Dubai.

Goluhu waxa uu saadaaliyay in ku dhawaad ​​1,000 shirkadood oo Israa’iili ahi ay ka shaqayn doonaan ama dhex mari doonaan Imaaraadka dhamaadka sanadkan, kuwaas oo ganacsi la yeelan doona Koonfurta Aasiya, Bariga Fog iyo Bariga Dhexe.

“Suuqa gudahu ma matalayo fursadda oo dhan. G. Goluhu, Balse Fursada ay shirkado badani haystaan runtii waxay ka bilaambaysaa Dubai, si loo beegsado diirada u saaraan gobolka ballaadhan,” ayuu yidhi Barak.

Imaaraadku waxa uu saadaalinayaa in Heshiiska Iskaashiga Dhaqaale ee Israel uu kor u qaadi doono ganacsiga laba geesoodka ah in ka badan $10bn sannadkii mudo shan sano gudahood.

“Heshiiskayagu waxa uu soo dedejin doonaa kobaca, abuurista shaqooyin waxaanu u horseedi doonaa waa cusub oo nabad, xasilooni, iyo barwaaqo gobolka oo dhan ah,” wasiirka ganacsiga Imaaraatka, Thani al-Zeyoudi qoraal oo ku baahiyey Twitter-ka.

Heshiiska ayaa la saxiixay iyadoo ay sii kordhayaan rabshadaha ka socda bariga Quddus iyo Daanta Galbeed ee la haysto.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa Isniintii cambaareysay weerarkii Axadii ay ku qaadeen dhismaha Masjidka Al-Aqsa ee magaalada Quddus “Kooxaha xagjirka ah oo ay ilaalinayaan ciidamada Israel”.

Gelinkii dambe ee Axaddii, Israa’iiliyiinta xagjirka ah ayaa socod ku soo maray dhulka Falastiiniyiinta ee magaalada qadiimka ah, waxayna weerareen Falastiiniyiinta iyagoo ku dhawaaqaya heeso ka dhan ah Carabta iyo Falastiiniyiinta.

Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadku bayaanka qoraalka ah, ayaa sidoo kale waxay waydiisay “mas’uuliyiinta Israa’iil inay qaataan mas’uuliyadda yaraynta rabshadaha sii kordhaya iyo soo afjarida dhammaan weerarrada iyo dhaqamada horseedaya inay sii socdaan xiisadahu, iyadoo hoosta ka xariiqaysa baahida loo qabo in la xakameeyo si looga fogaado xasillooni darro dheeraad ah”.

Isla maalintaasi war-murtiyeedka la soo saaray ayaa lagu sheegay in aanay ka qaybgeli doonin saxeexa Heshiiska. Balse lama sheegin sababta keentay isbeddelka degdega ah, maadaama Oo imaaraadku uu hada Heshiiskaasi la sexeexday Isra’il.

Masjidka Al-Aqsa waa goobta saddexaad ee ugu barakeysan Islaamka, waxaana dhinaca Yuhuudda looga yaqaanaa Temple Mount. Mid ka mid ah darbiyada dibadda ee Buurta Macbadka ah, darbiga galbeed, waa goobta ugu quduusan diinta Yuhuudda.

Wasiirka Dhaqaalaha iyo Warshadaha Israa’iil ayaa u sheegtay raadiyaha Israa’iil Salaasadii in aanay maqal wax cambaarayn ah, ama danaha isra’il kasoo horjeeda oo ku saabsan dhibaatadu yuhuudu ku hayso Masjidka Al-Aqsa ilaa hadda intii ay ku sugnayd Imaaraadka.

Dhanka Imaaraadka, heshiiska lala galay Israa’iil waa heshiiskii labaad ee ganacsiga xorta ah oo laba geesood ah, ka dib markii ay heshiis la mid ah Hindiya la saxiixdeen bishii February. Waxa ay wadahadalo ganacsi oo laba geesood ah kula jirtaa dhowr waddan oo kale, oo ay ku jiraan Indonesia iyo Kuuriyada Koonfureed.

Imaaraadku wuxuu si xoog leh u dar dargalinayey heshiisyadan si uu u xoojiyo dhaqaalihiisa iyo maqaamkiisa ah inuu yahay xarun ganacsi oo weyn, ka dib markii uu ku dhuftay cudurka faafa ee coronavirus.

Xidhiidka Israa’iil iyo Imaaraadka ayaa bilawday bishii Sebtembar 2020, heshiis uu gadhwadeen ka ahaa Mareykanku oo jebiyey siyaasadii carabta ee tobanaan sano ku baaqaysay dowlad Falastiin ah ka hor inta aanay xidhiidh la yeelan Israel.

Bahrain iyo Morocco ayaa sidoo kale isla sanadkaas aqoonsaday Israa’iil.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker