MURAAYADA DAWLADNIMO WAA WASAARADDA WARFAAFINTA. ( waxaa xaqiiq inuu ku yimid hoos u dhac weyn)

Waxaan salaamayaa dhamaan  warbaahinta  guud ahaan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba joogta  iyo akhristayaasha qiimaha leh,waxaan si aad iyo aad  ah u salaamayaa wariyaasha  iyo soo saaradda dadwynaha u soo gudbiya wararka ,waxaan leeyahay aad iyo aad baad u mahadsantihiin sida aad wararka xaqiiqda ah aad noo soo gudbisaa.
Dawladkasta waxay  leedahay wasaaradd u qaabilsan wixii warbaahin ah ee  dalkaase leeyahay ,siyaasada wasaaraddasi waxaa ka mid ah inay  bulshadda u sameysayo barmamijo tayo leh ,sida caafimaadka ,waxbarashadda ,beeraha ,xoolaha iwm
Haddii aan u soo noqdo Wasaaradda warfaafinta ee Somaliland  ee kulmiyihii kala dambeeyey waxaa xaqiiq inuu ku yimid hoos u dhac weyn ,waxaa dhamaanba shaqooyinka laga eryey dadkii aqoonta u lahaa oo dhan ,waxay kolba loo magacaaba wasiir aan ku munaasb ahayn wasaaraddaasi waxaana ugu liita kan imminka jooga oo aan muuqaal iyo  aqoon toona lahayn isla markaana ka aradan axnshaxa wasiir nimo , qofka ka soo jeeda  hay,ad warfaafineed waxaa laga doonayaa inuu ahaado qof akhlaaq leh  iyo ixtiraam . Haddii uu wasiirku noqdo bilaa xishood oo aanu ka fiirsan waxa afkiisa ka soo baxaya  waa ayaan daro,marku wasiirku sidaa ku sifoobo ka waran ninkii wariyaha ahaa .
Muraayadda laga dheehan karo dawladnimo waxay tahay wasaaradda warfaafinta iyo wacyo galinta Wasiirku waa  inuu ahaadaa mashiinka dhaqaajinaya  wasaaaradda  kuna hogaamiyo siyaasadda dawladnimo , waa inuu lahaada aqoon xirfadeed . Waxaan u soo jeedinayaa wasiir  Maxamed Muuse Diiriye waa inaad ka soo baxdaa shaqadii lagu  igmadaay,shaqadaadii ayaa baylah ah intaad kolba qof aanad  gaadhey aad ku mashquuleysid .
Ahmedbudul@hotmail.com
Ahmed daacad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker