Daawo: Barcelona Oo Bedeshay Taatikadii Hore Ee Ay Ku Doonaysay Neymar, Qorshaheeda Haatan Oo La Ogaaday & Waxa Ka Cusub Heshiiskii Ay Ku Doonaysay.

Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay samaysay farsamo bedel cusub oo ay kaga guurayso habkii ay hore ugu doonaysay saxeexa Neymar oo ka tirsan Paris Saint-Germain isla markaana ay qaab cusub samaynayso.

Hawl-galkan wakhti lumiska noqday ee loogu magac-daray “Hawl-gal Neymar” Ayaa ah mid aan wali wax horumar ah laga samayn waxaana ay kooxaha wada xaajoonaya ee PSG iyo Barcelona u muuqdaan kuwo kaliya xaajada sii adkaynaya.

Jimcihii shalay ahaa ayay warar kasoo baxay France sheegayeen in Barcelona ay iska diiday dalabkii Paris ee ahaa 215-ka Milyan isla markaana ka koobnaa 130 Milyan oo lagu daray Dembélé, Rakitic iyo Todibo.

Sida uu sheegayo wargeyska ‘Le Parisien’ oo soo xigtay hadalada shaqsi ku dhaw Barcelona, Barca ayaa heshiiskaas diiday si aysan u sumcad dilin oo ay u kor yeelaan xiddigaha kooxdooda.

Shaqsigan u hadlay Barca ee u warramay ‘Le Parisien’ ayaa sheegay in PSG ay tahay kooxda danta leh, Neymar uu isagu dalbanayo inuu baxo isla markaana ay iyagu kaliya yihiin kuwo xiisaynaya oo uusan jirin wax ka badbadis ahi.

Si kastaba, Wargeyska Sport ee aadka ugu dhaw Barcelona ayaa sheegaya in diidmada Barca aysan ahayn wax kale balse ay kaliya tahay taatiko dhinaca wada xaajoodka ah.

Sport ayaa sheegaya in Blaugrana ay sii wadayso dalabaad ka gudbinta Neymar inta ka hadhay suuqa Yurub oo aysan iyagu aqbali doonin inay bixiyaan waxay Paris dalbanayso maadaama oo Neymar uu isagu ku qasbayo kooxdiisa bixitaan.

https://youtu.be/9xpOjfOKUbk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker