Siyaasiga Itoobiya Ee Jawar Mohamed Iyo Siyaasiin Kale Oo Xabsiga Lagasii daayey
Siyaasiga caanka ka ah Itoobiya ee Jawar Mohamed ee kasoo jeeda Qawmiyadda Oromada iyo maxaabiis kale oo u xidhnaa arrimo siyaasadeed ayaa goor dhawayd laga siidaayay Xabsigii ay ku xidhnaayeen, sida lagu baahiyay Baraha wararka Dalka Itoobiya.
Sannadkii 2020-kii ayaa xabsiga la dhigay Jawar Mohamed kadib qalalaase ka dhashay dilkii fannaankii caanka ahaa ee Hachalu.
Abiy Ahmed ayaa maanta ugu baaqay shacabka Itoobiya in ay is cafiyaan.
Dowladda faderaalka Itoo iya, ayaa go’aamisay in cafis loo fidiyo, xabsigana laga sii daayo maxaabiis aad u tira badan.
Maxaabiista cafiska loo fidiyay ayaa waxaa ka mid ah:
1. Mudane Sibhaat Naga
2.Mudane Jawhar Maxammed iyo dhammaan eedaysanayaasha kiiskiisa ku diwaangashanaa.
3.Mudane Iskindir Nega iyo dhammaan eedaysanayaasha kiiskiisa ku diwaangashanaa.
4.Mudane Abdu Zamu
5.Marwo Mulu G/egzkiiskeed.
6.Marwo Qidusan Naga
7. Mudane Abay Waldu.
8. Mudane Kiros Hagos
SRTV Somali.