Maxaa Jira In Madbacadda Qaranka JSL Aanay Helin Maamul Hufan Oo U Hagar Baxa.

Maareeyaha Madbacada qaranka Somaliland Maxamuud Ibraahim Raage ayaa faahfaahin ka bixiyay xeer uu dhowaan madaxweynaha Somaliland soo saaray.

Xeerkaasi oo loogu magac daray xeerka dib u habaynta mmadbacada qaranka.
Kaasoo u jeedadiisu ahayd mid dib loogu hagaajinayo adeegyadda ay dawladda u qabato madbacada qaranku.

Maxamuud Raage Ibraahim, oo maanta warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in xeerkaasi uu dhigayo sidii madbacadda qaranku u dabooli lahayd baahiyaha qaranka.

Geesta kale inkastoo maareeyuhu uu sheegtay in ay daboolayaan adeegyadda ay madbacadu qaranka u qabato.
Hadana waxaa weli taagan baahi weyn oo ay qabaan shaqaalaha madbacadda qaranka oo dhinaca mushahar la’aanta.
Iyadoo aanay shaqaalaha madbacadu muddo dhawr bilood ah wax mushahar ah qaadan, ayaa hadana waxaa jira qalab aad u fara badan oo loo iibiyay madbacada qaranka Somaliland.

Sidoo kalena dhisme cusub oo lagu soo kordhiyay kuwii hore, xili ay taagan tahay baahidda mushahar la’aanta shaqaalihii xoogooda la doonayay in ay ku soo saaraan adeegyadii ay qaranka u qaban lahaayeen.
Maareeyaha ayaan dheg u dhigin cabashadda shaqaalaha madbacadda qaranka ee mushahar la’aanta haysata.
Daboolista adeegyadda dawladu u baahan tahay ee uu maareeyuhu sheegay ayaa u muuqda mid uu isaga dhisayo.

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa uu lacag ka badan oo gaadhaysa hal milyan ($1000,000) oo dollar ku maalgeliyay sidii ay madbacada qaranku u dhaqaaqi lahayd.
Hadalkan maanta kasoo yeedhay Maareeyaha Madbacada qaranka ayaa ku soo beegmaya xili warbixin musuq maasuq ay shalay soo saareen guddi hoosaadka ilaalinta iyo dabo galka golaha Wakiiladda in Madbacada Qaranku ay ka mid tahay.

Dhinaca kale, madbacada qaranka Somaliland ayaa madaxweynihii geeriyooday Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxa uu aasaasay sanadkii 1997-kii.

Wakhtigaasi oo sababta loo sameeyay ay ahayd baahi qaranku u qabay in ay daboosho adeegyadda dawladu u baahnayd.
Hase yeeshee madbacada qaranka Somaliland ayaa sanadihii danbe adeegeedu hoos u dhacay kadib markii dalka la keenay madbacado gaar loo leeyahay oo ka casrisan kana cusub ta qaranka.

Kuwaasoo madbacada qaranka kala wareegay adeegyadii ay dawladda u qaban jirtay ee ahaa daabacaada noocyada kala duwan ee buugaagta ay dawladu cashuurraha ku qaado.
Halka madbacada qaranku ay weli ku shaqayso qalab ama makiinado Duug ah oo aanay wanaagsanayn tayadoodda daabacaadu.

Sidoo kale, inta badan makiinadihii madbacadda qaranku ku shaqayn jirtay ayaa wada fadhiistay ama xumaaday.

Kuwaasoo aan xataa ciladoodda la hagaajin karin, maadaama oo ay yihiin kuwo Duug ah.
Qalabkii cusbaa ee lagu soo iibiyay lacagtii uu madaxweyne Biixi bixiyay ayaa noqday mid Gaboobay oo aan shaqaynaynin, isla markaana aanay muddo laba bilood ah lagu guulaysan in laga shaqaysiiyo.

Si kastaba ha ahaatee madbacadda qaranka Somaliland ayaa qaranka u xil saaran in ay meesha ka baxdo adeegyadii ay dawladda u qaban jirtay, maadaama aanay helin maamul hufan oo u u hagar baxa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker