Rakaab Diyaarad Ka dajiyaay Garoon

Rakaab aan lahayn khibrad duullimaad ayaa ku guuleystey inuu diyaarad yar ka dejiyo gobolka Florida ee Mareykanka ka dib markii duuliyihii ​​ay soo wajahday xaalad caafimaad oo degdeg ah.

Guusha cajiibka ah ee duulimaadka ayaa ka dhacday garoonka caalamiga ah ee Palm Beach iyadoo ay gacan ka geysteen maamulayaasha hawada, sida uu sheegay telefishinka WPBF-TV.

“Xaalad halis ah ayaan halkan kula kulmay,”Ninka Rakaabka ah oo la yiraahdo Cessna Caravan ayaa la sheegay in uu sidaa yiri isaga oo u sheegaya waaxda koontaroolka hawada waxa uuna markaasi ku sugnaa meel 70 mayl waqooyiga ka xigta meeshii ay diyaaradda ku wajahnayd.

“Duuliyahii diyaaradda xaaladdiisu caafimaad ma wanaagsan. Anigana wax fikrad ah kama haysto sida loo duuliyo diyaaradda.”

“Roger. Halkeed hadda ku sugantahay?” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha hawada maamula, sida laga soo xigtay warbaahinta.
“Wax fikrad ah kama haysto,”rakaabkii ayaa la sheegay in uu sidaa yiri. “Waxaan horteyda ka arki karaa xeebta Florida wax fikrad ah kama hayo.”

“Ilaali heerka baalasha ama qeybta laga hago diyaaradda oo isku day inaad raacdo xeebta, waqooyi ama koofur. Waxaan isku dayeynaa inaan kuugu hagno sidii aad diyaaradda u dejin laahyd.”

Diyaarad hawada looga celiyay arrin layaab leh
Diyaarad hawada looga celiyay arrin layaab leh
Duufaan diyaarad ka caawisay inay rikoor samayso
Darawalkii gaariga xamuulka ah wuu hilmaamay inuu diyaarad waday
Shaqaalaha hawada maamula ayaa ka caawiyay diyaaradda inay soo degto waxayna ugu dambeyntii ku dejiyeen meel 25 mayl waqooyi ka xigta xeebta Palm ee Boca Raton ka dib maamulka hawada ayaa ninka hagayay ilaa dhulka uu ku dejiyo halkaas oo loo arkayay meel ammaan ah oo ay diyaaradda ku degi karto, sida ay sheegtay warbaahinta.

“Waxaad marqaati ka ahayd lamaane rakaab ah oo diyaaraddaas ka soo degay,” mid ka mid ah maamuleyaasha ayaa la sheegay in uu ka yiri raadiyaha markii ay dhammaatay sheekada qeyrul-caadiga ah.

“Ma waxaad tiri rakaabkii ayaa ka soo degay diyaaradii?” qof kale oo sidaa dhahaya ayaa la maqlayay.

“Taasi waa sax,” ayuu ku jawaabay qofkii hagayay diyaaradda. “Waa shaqo aad u wanaagsan,” ayuu yiri qofkii kale.

Mid ka mid ah khubarada duulimaadka ayaa u sheegay saldhigga maamulka hawada in ammaan uu weyn uu mudan yahay duuliyaha aan qibradda lahayn ee ku guuleystay inuu dejiyo diyaaradda.
BBC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker