Shirka Jabuuti in lagu kala waa u dan qaddiyadda Somaliland

Hambalyo ayaan leeyahay guulaha hordhaca ah ee ay ka soo hooyeen wafdiga ka socda dhinaca Somaliland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Biixi waana arrin ay si wayn ugu diirsadeen dadka geesiyaasha ah ee Reer Somaliland.

Waxan idinku boorrinaynaa inaydaan ka tanaasulin go aankaas geesinimada leh,maanta ayaynu haynnaa fursad qaaliya waxana xigi doonta arrinta Somaliland oo gaadha heer Global ah oo lagaga doodo fagaarayaasha caalamiga ah.

Nimankan meesha dhex socda ee ay ka mid yihiin Donald Yamamoto,James swan,Berlanga,abby axmed,iyo geelle iyagu dan iyo muraad kama laha Qaddiyadda Somaliland iyagu waxay ilaashanayan dantooda iyo inay CV gooda u gasho oo ay ku faanan waxanu wax ka qabannay arrintii Somali a,Farmaajona cimrri dherer iyo bakhti afuuf ayay u tahay waxa kaloo ay u tahay mashruuc inay arrintu waligeed halkaas uun ka sii socotto oo caalamka dhaqaale lagaga doonto waxay isku dayi doonaan inay yidhahdaan arrinta hoos ha loo dhigo oo war murtiyeed beena ha la mal maluuqo waxan odhan lahaa yaan la aqbalin.

Waxa keliya ee u cuntami kara Reer Somaliland haddii qaddiyadda iyo Xaqooda ay u leeyihiin inay ictiraaf ka helaan beesha caalamka ay noqoto qodobka koowad ee laga wada hadlayaa iyo haddii ay Somalia heshiisyadii ay baal martay ee hore sida istanbuul 1&2 ay raalli gelin ka bixiso haddana fulinayso.

Midbaa muhiim ah inaynu ogaano waddamada caalamku arrinta ay u arkaan inay xasaasi tahay ayunbaa adduunku soo dhex galaa oo warbaahinta iyo (Focus) ka caalamka gasha sidaas darteed haddii lagu kala kaco wadnaha ayay farta ku hayn doonaan waxana loo soo jeesan doonaa in wax laga qabto oo la kala Guro  arrimaha dhex yaalla labada waddan ee Somalia iyo Somaliland haddi kale wax wayn loo arki mayo oo sidaas uunbaa kolba la inoogu dayi doonaa wax aan innoo cuntami Karin iyo war murti yeed aan barri waxba ka socon doonin.

Rashiid Odowaa M.A diplomacy and IR

Khadarsalaan@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker