Caqlixumo Waatii fircoon lagu cadaabe Caadiyo Samuudiyo dir Nuux ku Caasiyay Cawda loogu gooyee! W.Q Kaptanka

Ninka Ambulance kii gabadhiisu markay umusho lagu qaadayay dhacay ee hadana ku faraxsan iyo ka Bridge ka kalajab ee ah meesha kaliya ee wuxu cuno iyo wuxu xidhiba ay usoo marayeen dalooliyay ee hadana isu haysta inay Cid waxyeeleenow caqli xumidaa ma wixii lagu xishoon jiray ayaad adigu ku faantaa?

Bridge ka kalajab waxa uu u dhaxeeyaa Berbera iyo Sheekh waana Bridge ka ugu dheer dalkii laysku odhanjiray Somalia waa 92 Mitir waxa kusoo xiga Bridge ka baladwayn ku yaala waa Bridge kii ugu qaalisana gayigeena oo hadana si quruxbadan loo dhisay.

Waar wadaniyadii halkay martay caqligii iyo damiirkeenii halkuu ku danbeeyay. Ninka Ambulance service ka u samaynayay ee markuu xaalad degdega galo lagu qaadayay maanta dhacay ee halkuu ka dhuuman lahaa ee qajililahaa maanta baraha bulshada isasoo dhigayaa sidii heroes ka ama geesi waddankiisa wax usoo kordhiyay ma wuxu doonaya inuu sidaa halyay ku noqdo. Aduunka dadku wax way diidaan waa la cabankara cadaalad daro baahsan ayaa jirta wax tabasho waa la ogol yahay. Hadii Marka wax lagaran waayaba ay qolowaliba ku cadho burburto inay gooyaan kaabayaasha dhaqaale ee ugu dhow yaynu ku ciqaabaynaa sidan oo kale?

Macaruurteena iyo dumarkeena magaadiidkeena iyo safarkeena mise xukuumad ayaa sidan wax lagu yeelaya waar adigu miyaanad lahayn wadada Bridge ka Ambulance ka mise cidkale ayaa lahayd miyaanad adigu intifaacsan jirin mise gaalo ayaa isticmaali jirtay waar ilahay halaga baqo oo sidan ha laysku dhaamo oo dadkan dhangagaalaha ah aan wacyi galino. Waxan xasuustay heesta khadra Dahir qaado ee tidhaahda ( Caqlixumo Waatii Caadiyo Fircooniyo Dirkii Nuux Ku caasiyay Cawda loogu gooyee!)

Allah Mahad leh.
Abdiqani Salaf.
Gaadhkawadanka@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker