Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb-galay Munaasibadda Qalin-jabinta Dufcaddii 2-aad Ee Jaamacadda Frantz Fanon University.

Hargaysa-(OWN)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qayb galay dufcaddii  2aad ee ka qalin-jabisa Jaamacadda Frantz Fanon University ee magaaladda Hargaysa, waxaana munaasibadda qalin-jebinta ardayda kala qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo masuuliyiin kala duwan.

 

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ardayda ugu hambalyeeyay guusha ay gaadheen waxaanu kula dar-daarmay inay waxbarashadooda sii wataan islamarkaana ay ka shaqeeyaan danta dalka iyo dadkaba waxaana kamid ahaa hadaladiisi Madaxweyne ku-xigeenka “Waxaan idiinku hambalyaynayaa guusha aad gaadheen aad baan idiin hambalyaynayaa idinka iyo macalinkiina Prof: Bulxan, waxaan idinkula dar-daaramayaa inaad waxbarashadiina sii wadataan dalkana u shaqayasaan, maanta rajo weyn ayaa muuqata oo waliba idinka idiin muuqata, horumar fiican ayaynu rajaynayaa insha Allaahu waxaanan idiin rajaynayaa guul” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker