Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Nawaaxiga Madaarka Burco Ayaa Ku Burburiyey Laba Meheradood

 Baabuur Nooca Loo Yaqaan Shaambooga ee Gurra Dhagaxa iyo Ciida Dhismaha Guryuhu uu Ka Dhex Booday Laba Meheradood, oo Jiingad Ka Samaysan(Sandaqad), Agagaarka Nawaaxiga Madaarka Burco, Waxaa Gabi ahaanba Dhismahoodu Burburey Labadaasi meheradood iyadoo aanney Jirin habayaraatee Khasaare Kale oo Shilkaasi Gaystay, haseyeeshee, Waxa Dadkii Goobjooga u ahaa Shilkan Fajac iyo la yaab Ku Noqotey, Kadib Markii illaahay isagaa Awood lehe Ka badbaadiyay Nin Ku Dhex Tukanayay Mid Kamid ah Meheradaha Baabuurku Baabiiyay, Dadkaas oo uu Kamid ahaa Sida uu Xaqiijiyay Ex Xildhibaan hore Mubaarik Bidhi
Dad Tira badan, oo Kamid ah Dadkii Wadada Marayay Saacada Shilku Dhacay, ayaa Kusoo Xoomay Ninkaa Illaahay Ka badbaadiyay Shilkaasi s Sida Culus u dhacay, Magaalada Burco, Meheradaha Ku Teedsan Deyrka Madaarka, oo Wadada Labada dhinacba ka Xiga.
Had iyo Jeer Gaadiidka Iskarogooyinka ah ee Gura Dhagaxa iyo Ciida Lagu Dhiso Guryaha Nooca Loo Yaqaan Shaambooga, ayaa Kamid ah Gaadiidka Sida Xawliga u Socda islamarkaana, Sababa Shil Baabuur oo Halis ah, oo ay Dad badani Ku Nafwaayaan Kuwa kalena Dhaawacyo halis ahi Kasoo gaadho, Maadaama aanney Sanadahan Dambe Waddin Dirawaliin Masuuliyada Ka Taxadara Haseyeeshee, ay Wadistooda u badan yihiin Dhalinyar aan Qaan-gaadh aheyn ama aan haysan Liisanka Wadista Baabuurta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker