Guddoomiyaha xisbiga Waddani oo Ka Hadlay Kulanka Mucaaradka iyo Xukumada

Wada-hadallada u furmay xisbiyada mucaaradka oo dhan ah iyo Xukuumadda iyo xisbigeeda oo dhan ah oo ay dhexdhexaadinayaan labada guddoomiye ee golayaasha Guurtida iyo Wakiillada.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 13/July/2022, waxaa kulan wada-hadal ah foodda isku daray labada Xisbi-mucaarad ee Waddani iyo UCID oo dhan ah iyo Xukuumadda iyo xisbigeeda oo dhan ahaa. Waxaa dhegaysanayay doodda labada dhinac guddoomiyaha golaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo guddoomiyaha golaha Wakiillada, Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Markii dooddu dhammaatay waxaa labada oday ee dhexda ahaa qabteen ballan kale oo labada dhinac berri isugu yimaaddaan iyo kulanka loo dhanyahay ee Axadda oo la filayo in ay odayada dhexda ahi ku soo saaraan go’aan lagu wada qanco oo gartii la dhegaystay iyo caddaalad ku dhisan.

Insha allaahu guul ayay ku dambayn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker