Magaca Maxamed Oo Noqday Magaca Ugu Badan Ee Loo Bixiyey Carruurtii Ku Dhalatay Jarmalka Sanadkii 2018kii !

Magaca Maxamed Oo Noqday Magaca Ugu Badan Ee Loo Bixiyey Carruurtii Ku Dhalatay Jarmalka Sanadkii 2018kii !

Magaca Maxamed ayaa waxa uu noqday Magaca ugu badan ee loo bixiyey Wiilasha ku dhashay Magaalada Berlin ee  dalkaasi Germany sanadkii 2018kii.

Sidaana waxa lagu baahiyey Wakaalada Wararka Russia Today Oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay qiimeyn uu sameeyay Ururka Luqada Germany ee Gfds ayaa waxa ku  cadeeyeen Tirada Carruurta Wiilasha ah ee ku Dhalatay Magaaladaasi Sanadkii 2018kii.

Tirada carruurta ah ee Labka ah ee dhalatay danadkii 2018kii ayaa waxay noqotay 22,177Wiil, waxaanu noqday magaca ugu badan ee loo bixiyey tirada ugu badan magaca Maxamed halka magaca labaadna uu noqday Magaca Luis, sidoo kale Magaca saddexaad ayaa waxa uu noqday Magaca Email.

Haddaba, Magaca Maxamed ayaa waxa loo bixiyey 280 Wiil, sidoo kalena Magaca Luis ayaa waxa loo bixiyay 244 Wiil, halka Magaca Email loo bixiyay 234 Wiil, sidaasi awgeed Magaca Maxamed ayaa noqday Magaca ugu badan ee loo bixiyay Wiilasha Ku dhashay Magaalada Berlin ee Dalkaasi Germany.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker