Wasaaradda Hawlaha guud iyo Dawladda Hoose Ee Hargaysa Oo Si Wadajir ah uga shaqayn doona Nashqadaynta Suuqa Waaheen
Maayar ku Xigeenka Caasimadda Hargaysa mudane Khadar Axmed Cumar iyo qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Deegaanka Caasimadda Hargaysa ayaa maanta ka qayb galay kulan lagaga Hadlayay Dajinta Qaabka ay u ekaan Doonto Nashqadda Suuqa Waaheen.
Kulankan ayaa Waxaa ka soo qayb galay Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud iyo Wasiir ku Xigeenka Arimaha Gudaha.
Nashqadaynta Suuqa Waaheen ayaa waxaa Si Wada jir ah uga shaqayn doona Engineero ka socda labada dhinac ee Wasaaradda Hawlaha guud iyo Dawladda Hoose Ee Hargaysa.





