Midowga Yurub oo kasoo horjeestay Turkiga lana saftay Dowlada Giriiga

Midowga Yurub wuxuu ka fiirsanayaa cunaqabateyn dheeri ah oo ka dhan ah Turkiga sababo la xidhiidha iskahorimaadka tamarta ee bariga Mediterranean, ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Dibada ee Midowga Josep Borrell.

Borrell wuxuu sheegayaa in cunaqabateynta lagu soo rogi karo shaqsiyaad, maraakiib ama adeegsiga dekedaha Yurub isla markaana Midowga Yurub ay diiradda saaraan “howlaha aan u aragno inay yihiin sharci-darro”.

 

Bariga Mediterranean-ka, waxaa ka socda tartan loogu jiro sidii galaangal loogu heli lahaa goobaha gaaska ee dhowaan la ogaaday. Muranka dhuleed ee u dhexeeya Giriigga, Qubrus iyo Turkiga ayaa keeni kara in dagaal uu dhexmaro dhinacyada isku haya halkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker