Maayarka Hargeysa Marka Laga Tago Dedaalkiisa iyo Kartidiisa Waxaa Kusocda Dagaal Wajiyo Baddan Leh

Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge Marka Laga Tago Dedaalkiisa iyo Kartidiisa Waxaa Kusocda Dagaal Wajiyo Baddan Leh
Waxaa Dhab ah, in Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge lagu aadiyey Dagaal Wajiyo kala Duduwan ah, oo ay Ku Wadaan Dhinacyada iskaga Soo horjeeda Siyaasada Somaliland Kuwaas, oo Dhinac Waliba Ka doonayo Sida Muuqata in uu ku Shaqeeyo Aragtidooda Gaarka ah, Laakiin aannu isagu Wali fahmin, ujeedooyinkooda Aragtiyaha Kooban ah, isagoo Mar Walba Ka Durkaya, in uu Go,aan adag ka Qaato in Loolanka u dhexeeya Dhinacyada Somaliland lagu Saleeyo, Golihiisa Deegaanka Walow, ay Xubnaha Xildhibaanada Badhkood Aaminsan yihiin Siyaasada Xisbiyada gaar ahaana Mucaaridka, Iain Muxaafidka labadaba.
Sida Ka muuqata Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland ayanney dhinacooda, Qarsoonayn damaca iyo Aragtida ay ku baadi doonayaan in Maayarku, ku Shaqeeyo Siyaasad ay iyaggu Sigaar ah u Wattaan taas, oo Marar badan laga Dareemay, Sida ay u Saluugsan yihiin, in Maayarku dhinac isaga leexiyay, in uu aragtidooda ku Shaqeeyo, Islamarkaana, ay dhaqdhaqaaqyo badan kaga jawaabeen Mawqifka uu ka Qaatey Maayarku, iyaggoo Xaalad Abuur Fara badan ku aadiyay Si xiisad iyo fawdo, uga abuuranto Golaha Deegaanka Caasimada, ay Dad Kaliya oo isku Mid ah iyo isku sinji ahi ku noolyihiin.
Gessta kalena, Waxaa Muuqata in Dhinaca Muxaafidka laf ahaantiisa, ay iyadduna Dhaqdhaqaaqyo Kaa lamid ahi kaga Socdo Khusuusan laba God, oo Hawshoodu Muuqato Tusaale ahaan, Dhinaca Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta, iyo Dad Kale, oo Waxyaabo Khaldani iskaga jirro, Kuwaas oo iyagguna majara habaabin iyo Tashuush qabyaaladeed, oo Sharafta Qaranimada iyo Tan Caasimada Hargeysa labadaba, Ceeb ku ah, Waxaana Xaqiiq ah, in Maayarku kaga gudbi karro Caqabadaasi Wajiyada kala Duwan ah, in uu ka Qaato go,aan adag oo u badbaadinaya Rajadiisa iyo hamigiisa ah in uu Ka Midha dhaliyo Waxqabad Muuqda oo Caasimada Hargeysi u Qalanto, ee Bartilmaameedkiisa ah.
Cabdiraxmaan Hiiraan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker