Maxaad Kala Socotaa Dawooyinka halista caafimaad kuu keeni kara

Cunidda cuntooyinka duban amaba dufantu ku badan tahay ayaa sababi kara calool xanuun ama calool fadhi.

Marka ay kula soo gudboonaato dhibaato la mid ah, dadka qaar waxay u cararaan farmashiga waxayna ka soo iibsadaan daawo aysan dhaqtar kala tashan.

Inaad soo iibsato daawo uusan dhaqtar kuu qorin ma ahan wax ku cusub Bariga Afrika.

Inkastoo dalalkan ay leeyihiin hannaan lagu xakameeyo iibsashada dawooyinka aan dhaqtarka lala tashan, inta badan farmashiyeyaashu ma raacaan hannaankaas.
Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka, daawooyinka ayaa tayadooda luminaya sababo la xiriira si xun u isticmaalidda iyo iyadoo ogaal la’aan loo qaato dawooyinka qallajiyeyaasha.

Balse sidee ayay dawooyinkan halis ugu yihiin caafimaadka marka aan dhaqtar lagala tashan?

Paracetamol
Many people take paracetamol for pain or fever.

Dhaqaatiirta ayaa aalaaba paracetamol u soo qora dadka ka cabanaya qandhada iyo jir xanuunka. Shirkado kala duwan ayaa magacyo kala duwan ku iibiya.

“Waxaynu sheegnaa sida iyo muddada la cunayo. Balse bukaannada ayaa marka dambe iibsada oo cuna keliya marka ay isku arkaan qandho ama jir xanuun. Taas waxaa ka dhashay, in dawadu ay waxtar beesho ilaa xad,” ayuu yiri mid ka mid ah khubarrada.

Isticmaalka muddada dheer ee paracetamol ama acetaminophen ayaa waxyeello gaarsiin kara beerka.

Aspirin
Aspirin waa daawo aad muhiim u ah balse waxay sababi kartaa halis haddii si khaldan loo isticmaalo sababtoo ah cid walba ma naasibto.

Dawadan ayaa lagu yaqaannaa waxtarka saa’idka ah ee ay u leedahay xanuun baabi’inta mararka qaarna waxaa loo cunaa qandho jebinta.

Dadka da’da ah, ee qaba xanuunnada wadnaha – dhaqaatiirtu waxay siiyaan dawadan. Haddii ay jiraan waxyeello ka dhalan kara waa la eegaa oo isha ayaa lagu hayaa.

Dhibaatooyinka ka dhalan kara

Waxay sababi kartaa xasaasiyad cuntada ah oo horseedi karta gaaska caloosha.

Ha siin aspirin ilmo ka yar 16 sano adiga oo aan dhaqtar la tashan.

Waxay carruurta u sababi kartaa dawadan hcudur halis ah oo loo yaqaanno Reye syndrome oo waxyeelleyn kara beerka ama maskaxda.

Isticmaalka xanuun baabi’iyeyaasha iyo qallajiyeyaasha ayaa gacan ka geysta cudurka wadnaha, sida lagu sheegay baaritaan la sameeyay.

Diclofenac iyo dawooyin kale
Dad badan ayaa qaata xanuun babai’iyeyaal kala duwan oo ay u cunaan xanuunka lugaha ama madaxa. Gaar ahaan haddii aad xanuun isku aragto waxaad farmashi ka iibsan kartaa ibuprofen ama diclofenac adigoo iska isticmaalaya.

”Waxay sababi karaan dhibaatooyin caloosha ah, waxyeello caloosha ah waxayna sababi karaan dhiig-bax. Inta badan dadku waxay la kulmaan lugaha iyo gacmaha oo barara, ” ayuu yiri Dr Maula.

Isticmaalka muddada dheer ee dawooyinkan ayaa sababi kara dhiig-bax ku yimaada mindhicirrada. Dadka qaar ayaa waxaa la soo derista dheefshiidka oo daciifa, gaaska caloosha waxayna la qabsadaan dawooyinka.

Dawooyinka sida Ibruprofen, Naproxen iyo Diclofenac ayaa aad loo isticmaalaa si loogu daweeyo xanuunka iyo calool fadhiga.

Metronidazole
Daawo kale oo si khaldan loo isticmaalo ayaa waxay tahay metronidazole. Dadka qaar ayaa iibsada iyadoo uusan dhaqtar u qorin marka ay isku arkaan calool xanuun daran maaddaama ay tahay nooc ka mid ah xanuun baabi’iyeyaasha.

Dhibaatooyinka ka dhalan kara waxaa ka mid ah finan ka soo yaaca qofka iyo calool fadhi. Waxaa soo raaca dhibaatooyin kale sida dhiigbax xubinta taranka ah iyo kaadida oo kugu adkaata isla markaana aad xanuun dareento marka aad kaadineyso.
Daawooyin kale oo aad u halis badan
Dadka qaar ayaa iibsada dawooyinka quumanka iyagoo farmashiga uga soo iibsada si ay isaga daweeyaan xanuunnada dhuunta. Balse waxyeellada dawooyinkan ayaa saameyn weyn ku yeelan kara caafimaadka.

Dhaqaatiirta ayaa ku talinaya qodobbadan soo socda:

Haddii aad isku aragto dhibaato daran oo degdeg ah sida xanuun, xitaa haddii aad daawo ka soo iibsato farmashi, waxaad u baahan tahay inaan sida ugu dhaqsiyaha badan aad dhaqtar kala tashato.
Lama cuni karo dawo qallajiye ah haddii ay kugula taliyaan shaqaalaha farmashiga.
Haddii aad isku aragto qandho, xanuun caloosha ah ama dhibaato kale oo jir ahaaneed, talada dhaqtarkaaga waa in la tixgeliyaa kahor inta aadan daawo cunin.
Iska eeg dhibaatooyinka ka dhalan kara kahor inta aadan isticmaalin.
Marka aad iibsaneyso daawo, u iibso sida uu ku taliyo dhaqtarka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker