Madaxweynaha JSL  Oo Kulan Degdeg Ah Isugu Yeedhay Ganacsatada Waaweyn Ee Dalka

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan degdega isugu yeedhay ganacsatada waaweyn ee dalka, rugta ganacsiga iyo xubnaha guddida heer qaran ee loo igmaday masiibada dabkii baaxadda lahaa ee xalay ka kacay suuqa weyn ee Waaheen.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa diiradda lagu saaray sidii ay ganacsatadu gacan uga geysan lahaayeen taakulaynta dhibaatada ka dhalatay dabkii baabi’iyey suuqa weyn ee Waaheen.
May be an image of 8 people, people sitting and outdoorsMay be an image of 5 people, people sitting, people standing and outdoorsMay be an image of 9 people, people sitting and indoor

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker