Tirada Dadka Swedish-ka ah ee Raba inay Qaataan Dhalashada Noway oo cirka isku shareertay

Laga soo bilaabo bishii koowaaad ee  sanadkii hore 2020, markii dowlada Norway ay dhaqangalisay sharcigii cusbaa ee in qofku uu isku heysan karo dhalashada Norway, iyo jinsiyada dal kale, waxaa inay qaataan jinsiyada Norway soo codsaday dad gaadhaya 80.000 qof.

10% dadkaas kamid ah ayaa ah dad Swedish ah, sida lagu sheegay tirokoob ay sameysay hey´adda UDI-da. Taas oo ka dhigan in mudo 16 bilood ah ay 8137 qof oo Swedish ku codsadeen dhalashada Norway, halka 16-kii bilood ee ka horeeyay int aan sharciga la badalin, ay baasaboorka Norway codsan jireen 261 qof oo Swedish.

Dadka kasoo jeedo dalka Sweden ayaa xiligan ah ajaaniibta ugu tirada badan ee codsata qaadashada jnsiyada Norway. Waxaana codsiyada ka imaanaya dadka Swedish-ka ah ku yimid isbadal aad u weyn, sida uu sheegay Øystein Tonstad Leknes oo ah madaxa qeybta sharcibixinta ee UDI-da.

Dad kamid ah Swedish-ka qaatay dhalashada Norway oo la hadlay NRK ayaa sheegay inay arrintan leedahay tusaalooyin badan, sida inuu qofku ka codeyn karo Norway ama uu taageero ka heli sanduuqa waxbarashada ee Lånekassen, iwm. Halka Swedish-nimadu ay leedahay faa´iidooyin ay kamid yihiin in qofku uu heysto dhalashada dal xubin ka ah midowga Yurub oo faa´iidooyin waaweyn laga helo.

Madaxa qeybta sharcibixinta UDI-da ayaa sheegay inay u muuqato in dad badan oo Swedish ay sugayeen fursad ay labada dalba muwaadiniin uga noqon karaan.

 

Madaxa qeybta sharcibixinta UDI-da  ayaa dhanka kale sheegtay in codsiyada badan ee baasaboorka Norway ay sababi karaan in waqti dheeraad ah ay qaadato ka shaqeynta codsiyada baasaboorada, laakiin ay shaqaaleysiiyeen dad dheeraad ah, si ay kor ugu qaadaan awoodooda ka shaqeynta codsiyada.

Source: https://www.nrk.no/osloogviken/dobbelt-statsborgerskap_-eksplosjon-av-svensker-vil-ha-norsk-pass-1.15574481

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker