Shirkad Heer Caalamiya Oo Shaacisay Inay Hudheel Casri Ah Ka Binaynayso Magaalo Madaxda Gobolka Saaxil Berbera

Berbera(OWNl)- Shirkadda leh Huteelo caalamka ku yaalla  oo la yidhaahdo  Sarovar Hotels,  ayaa sheegtay inay  Hudheel weyn oo casri ah ka dhisayso magaalo-xeebeedda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Siday Werisay Wakaalladda Wararka Somaliland ee SOLNA, oo soo xigatay qoraal shalay ka soo baxay shirkadda Sarovar Hotels oo xaqiijisay  maadaama oo dhaqaalaha Somaliland uu korayo isla markaana la ballaadhinayo  marsadda Berbera ay ka  binaynayaan  dekedda dhinaceeda Hudheel weyn oo ka koobnaan doona 123 makhsin oo iskugu jira  qolalkii  jiifka, kuwa shirarka, hudheel cunto iyo barkaddii dabaasha.

Waxa kaloo shirkaddu  intaas ku dartay in Hudheelkan cusubi ee laga dhisayo Berbera uu dhammaystirmi doono sannadka 2020ka, waxaana leh shirkad la yidhaahdo  Upper Hill Hotel. Agaasimaha  Maamulka  ee shirkadda  Sarovar Hotels  Mr. Ajaay   Bakaaya, ayaa caddeeyey inay soo badanayaan  fursadaha ka jira qaaradda Afrika, waxaanu xusay inay ku faraxsan yihiin inay hudheel  ballaadhan oo anfici doona dadka socotada ah ay ku soo kordhinayaan magaalada Berbera.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker