Semi-finalka Champions League Oo La Shaaciyey Chelsea vs Real Madrid, Man City vs Atletico – Iyo ..

Isku-aadka wareegga sidddeeda tartanka Champions League ayaa lasoo saaray, waxaana isku beegmay kooxo waaweyn oo sannadihii ugu dambeeyeyna isku arkay marxaladaha ugu dambeeya tartanka Champions League.
Kooxda horyaalka difaacanaysa ee Chelsea ayay foodda is-dari doonaan Real Madrid oo xilli ciyaareedkii hore ay ku kulmeen wareegga afar dhamaadka, isla markana ay Blues soo adkaatay.
Carlo Ancelotti ayaa ku laaban doona garoonka kooxdiisii hore ee Stamford Bridge oo uu waqti kooban oo uu koobab u qaaday uu kusoo qaatay, waxaanay Los Blancos isku dayi doontaa in ay ka aargoosato Chelsea, halka Thomas Tuchel uu isku dayi doono inuu isticmaalo xeeladihii uu sannadkii hore ku garaacday Real Madrid.
Manchester City oo finalka timid xilli ciyaareedkii hore markii ugu horreysay taariikhdeeda ayaa ku dhacday Atletico Madrid, waxaanay noqon doontaa ciyaar kulmisa Pep Guardiola iyo Diego Simeone.
Liverpool ayaa ku dhacday kooxda reer Portugal ee Benfica, halka Bayern Munich ay ku dhacday Villarreal.
Isku-aadka wareegga siddeedda
Manchester City vs Atletico Madrid
Chelsea vs Real Madrid
Benfica vs Liverpool
Villareal vs Bayern Munich
Afarta kooxood ee soo gudba ayaa iyaguna sii og naadiyada ay la ciyaari doonaan marxaladda dambe, waxaanay xaqiiqadu tahay in Chelsea, Man City, Atletico iyo Real Madrid ay midkood tegi doonto finalka, inta kalena ay ka hadhi doonaan, halka Bayern Munich iyo Liverpool ay midkood jidka kusii hadhi doonto.
Real Madrid iyo Chelsea midkooda soo adkaada waxay semi-finalka ala ciyaari doonaa Manchester City iyo Atletico Madrid midka soo guuleystay, halka Liverpool iyo Benfica midkooda soo baxaa uu waajihi doono Villarreal ama Bayern Munich.
Isku-aadka wareegga semi-finalka Champions League
Manchester City/Atletico Madrid vs Chelsea/Real Madrid
Benfica/Liverpool vs Villareal/Bayern Munich

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker