Maxaa Ka Jira In Madaxweyne Erdogan Uu dhex-dhexaadinayo Ruushka iyo Ukraine

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin Khamiistii, si uu u martigeliyo isaga iyo hoggaamiyaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayna wadahadal toos ah u yeeshaan, sida laga soo xigtay xafiiskiisa.

War-saxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay in Erdogan uu Putin u sheegay in heshiis laga gaaro arrimaha qaar uu u baahan karo kulan dhexmara madaxda labada dal. Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in xabbad-joojin iyo xal waara ay wadahadalladani u horseedi karaan labada dal, sida agu xusay bayaanka Turkey.

Dhinaca kale, weerarrada Ruushka ayaa ka socda magaalooyin dhowr ah, iyada oo gantaalaha Ruushka Jimcaha maanta ah lagu garaacay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Lviv ee galbeedka Ukraine sida uu sheega duqa magaaladaas Andriy Sadovy.

Ma jirto warbixin rasmi ah oo laga soo saaray weerarradii maanta, hase yeeshee Tv-ga Ukraine 24 ayaa sheegay in ugu yaraan saddex qarax laga maqlayay gudaha magaalada Lviv.

Madaxweyne Joe Biden, oo Putin ku tilmaamay “kaligii taliye gacan-ku-dhiigle ah”, ayaa u caddayn doona madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping maanta in Shiinuhu “uu qaadi doono mas’uuliyadda tallaabo kasta oo ay ku taageerto gardarrada Ruushka,” sida ay uu xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken u sheegay suxufiyiinta.

Dalalka Japan iyo Australia ayaa iyaguna maanta cunaqabatayn horleh kusoo rogay Ruushka, kuwaas oo ku ciqaabaya duullaankii ay ku qaadeen dalka Ukraine.

Reuters.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker