Ciidamada Ruushka oo gantaallo ku garaacay magaalo dhacdo Ukraine
Warbaahintaย ayaa xaqiijisay muuqaal muujinaya gantaallo ay ciidamada Ruushka ku garaaceen magaalada koonfurta dhacda ee Mariupol.
Gantaalladan ayaa ku habsaday dhismooyin ku yaalla halkaas.
Arrintani waxay dhacday Axaddii kadib duqeyn joogto ah ay militeriga Ruushka ku hayeen magaalada Mariupol.
Masโuuliyiinta Ukraine waxay sheegeen in magaaladan ay xuddun u aheyd duqeynta Ruushka tan iyo 2-dii bishan March, waxaana ku dhintay duqeymaha dad lagu qiyaasay 2,187.
Waxaana magaalada ku goโdoonsan 400,000 qof oo aan heysan biyo, cunto iyo dawooyin.
Waxaa lagu guuldareystay dadaallo dowladda Ukraine ay ku dooneysay inay ugu gurmato shacabka Mariupol kadib duqeymaha Ruushka.




