“Hadii aad aragto in la gaadhay wakhti laysku qabsado maxaad runta usheegtay ama maxaad xaqiiqo u ogaatay, waxaa kusii xiga jidkasii qodxo badan oo la yidhaahdo DILAAGA QARSOON (silent Killer)”
Garyaqaan Yuusuf Biixi oo hadda ka mid ah Ururka ay ku midaysan yihiin Looyarada Somaliland horena u soo maray Ku xigeen Xeer Illaaliye Guud ayaa ka hadlay xadhiga lagu hayo Warbaahinta Somaliland iyo waxa uu ku salaysan yahay iyo ifafaalada ka damaysa haddii ay waxani sidan u sii socdaan.
Waxa uu sheegay in arinta muuqataa ay tahay inay la isku xidhayo sidee runta ku ogaatay iyo maxaad u sheegaysaa runta, waxaana uu sheegay inay arintaasi ka mid tahay calaamadaha Kelitaliska islamarkaana waxa uu sheegay inay arintaasi ku xigi doonto jid kale oo halis badan oo qodxo badan, kaasi oo ku sheegay “Dilaaga Qarsoon”.
Qoraal uu Qaryaqaanku Soo Dhigay Bartiisa Facebookga ayaa waxa uu cinwaan uga dhigay sidan “Nidaamada Xogta Loo Qariyo”, waxaana uu qoraalkiisa ku bilaabay:
“Hadii aad aragto in la gaadhay wakhti laysku qabsado maxaad runta usheegtay ama maxaad xaqiiqo u ogaatay, ay noqoto in aad dambi gashay oo uu xadhig ku mutaysato qofka runta sheegay ama helay xog la qarinayo, oo sifo sharciya ku helay , waxaa kusii xiga jidkasii qodxo badan oo la yidhaahdo DILAAGA QARSOON (silent Killer), Nidaamkan dhagarta qarsoon badanaa waxaa ku dhaqma Nidaamada Kali Taliska ah oo aan marnaba ogolaan in bulshada lala wadaago dhacdoyin iska caadiya oo ay u haystaan in xumaan ay usoo jiidayso, waxaanay marag utahay in nidaam aan wanaagsanayn uu iska dhigayo mid wanaagsan , qof aan wanaagsanayn oo iska dhigaya qof wanaagsan jidkani badanaa waxa uu ku danbeeyaa cidhib xumaan iyo cadaabal qabri alle haynaga hayo inaynu raacno wadooyinkan qodxaha badan.
Abwaan dhoodan ayaa waxa laga hayey
Cidii wax ogaata dilla
Cidii la ogaata dilla
Ogaalka laftiisa dilla
Si aan waxba loo ogaan
Alle dhagar inooma keeno
aamin aamin aamin
aamin aamin aamin