Dawladda Sacuudiga Oo Mar Labaad Dib U dhigay Xukunka Sheekh Salmaan Al Cawdah
Maxkamada loogu yeedho la dagaalanka argagixisada ee dalka Sacuudiga ayaa dib u dhigtay dhageysiga iyo xukunka danbi ay dowlada ku eedeysay wadaad ka caanka ah ee lagu magacaabo Shiikh Salmaan Al-Cowdah.
Wiilka uu dhalay wadaadkan ayaa xaqiijiyay in xukunka aabihii dib uu u dhacay ilaa iyo bisha December ee dabayaaqada Sanadkaan.
Al-Cowdah oo la filayay in lagu xukumo dil ayaa la filaayey in uu ka soo muuqdo maxkamada magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga.
Balse Cabdulaahi Shiikh Salmaan oo ah wiilka wadaadkan ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka soo dhigay qoraal ah in dhageysiga xukunka aabihiis dib loo dhigay mudo shan bilood Ah.
Wuxuu yidhi aabahey oo xeer ilaaliyaha guud uu dalbaday in toogasho lagu xukumo ayaa maanta dib u dhac ku yimid xukunkiisa.
Waa markii labaad oo boqortooyada Sacuudiga ay dib u dhigto isla sanadkaan xukunka wadaadkan oo la xidhay bishii Septemper ee sanadkii 2017-dii oo hada ku dhow laba sanno.
Shiikh Salmaan Al-Cowdah ayaa xukuumada sacuudiga ku eedeysay in uu ku xadgudbay sharciga dalkaasi iyo arimo ay ka mid yihiin kacdoon ka dhan dowlada.




