Qof Cimro u Tegay Sucuudiga Oo Laga Helay Cudurka Coronavirus

Dowladda Turkiga ayaa ku eedeeysay boqortooyada Sucuudiga inay ku guuldaraysteen inay sheegeen khatar cudurka coronavirus ee dadka cimrada iyo xajka u tegaya magaalooyinka Barakaysan ee Mako iyo Madina,

Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Sulaymaan Solyu ayaa sheegay inay cudurka Coronavirus ka heleen dad ka soo laabtay Dalkaasi Sucuudiga kadib markii ay booqdeen Mako iyo Madiina oo soo cimraysteen.

 

Turkigu wuxuu karantiil galiyay 15 Kun qof oo ka soo laabtay dalka Dibadiisa 48dii saac ee u dambeeyay. Ilaa 59 qof ayaa Turkiga ugu dhimatay cudurka Coronavirus, halka uu ku dhacay dad gaaray 2500 qof.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa hore dadka uga mamnuucday inay booqdaan Xaramka iyo Masjidka Nabiga (NNKH), waxaa kaloo ay joojiyeen fiisooyinkii ay siin jiray dadka cimrada u imaanay sucuudiga.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker