Ugu Yaraan 30 Qof Oo Ku Dhintay Qarax lala Beegsaday Masjid Ku Yaalka Dalka Pakistan
Ugu yaraan 30 qof ayaa ku geeriyooday, halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen, qarax xooggan oo Salaadii Jimacaha ka dhacay Masjid ku yaalla magaalada Peshawar ee waqooyi-galbeed Pakistan.
Taliyaha booliska Peshawar Muhammed Ejaz Khan ayaa sheegay in Booliiska ay ka hor qaraxa weerar ku soo qaadeen saddex nin oo hubeysan, isla markaasna ay dileen laba kamid ah, halka ninkii kale uu gudaha Masjidka Isku qarxiyay.




