Dawladda Ukraine Oo Fariin U Dirtay Dadka Ajaaniibta ah Ee dalkaas Ku Nool
Ukraine oo dadka ajaaniibta ah ka codsaday in ay dagaalka la soo galaan oo ay caawiyaan
Xuukumadda Kyiv ayaa sheegtay in ay samaynayso guuto loogu magacdaray ” guutadda caalamiga ah” oo loogu talagalay ajaanibta dooneyso in ay si mutadawacnimo ah u taageeraan dalka Ukraine.
“Tani waxay noqon doontaa caddaynta muhiimka ah ee muujineysa taageerada aad u haysaan waddankeena Ukraine,” ayuu yidhi madaxweyne Volodymyr Zelensky hadal uu hadda soo saaray isagoo la hadlayay dadka wadamada kale u dhashay ee ka barbar dagaalamaya ciidanka Ukraine.




