Ciidamada Ruushka Oo Gudaha U galay Magaalada Kharkiv ee dalka Ukraine
Ciidamada waddanka Ruushka oo qabsaday magaalada Kharkiv oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka Ukraine sidoo kalena qaybo ka mid ah magaalada Kieyv ee caasimadda ah gudaha u galay.Ciidamada waddanka Ruushku waxa ay afar jiho saaka oo Axad ah weerarro culus kaga soo qaadeen dalka Ukraine waxaanay ballaadhiyeen dhulka baaxadda leh ee ay qabsanayaan iyada oo dhinaca kale ciidamada Ukraine ay muujiyeen iska caabin xooggan oo ay si ciddiyo ku dagaalan ah u dagaalamayaan.




