Ruushka Oo Mamnuucay diyaaradaha UK inay ka shaqeeyaan Magaalooyinka Ruushka
Ruushka ayaa mamnuucay diyaaradaha UK inay ka shaqeeyaan magaalooyinka kala duwan ee dalkaas.
Arrintan ayaa timid ka dib markii UK ay joojisay markab laga leeyahay dalka Ruushka oo lagu magacaabo Aeroflot inuu ku soo xirto Britain, taasoo jawaab u ah duullaanka Ukraine.
“Waxaa la soo rogay xayiraad ku saabsan isticmaalka hawada Ruushka ee duullimaadyada diyaaradaha ay leeyihiin, kireeyeen ama ay maamusho hay’ad ku xiran ama ka diiwaan gashan UK,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay maamulka duulista hawad ee Ruushka.




