Wararkii ugu dambeeyey ee suuqa waaheen Hargeysa oo gubanaya!

Ma jiro warwar xaqiijinaaya dhimasho (khasaare nafeed) ilaa hadda. Ugu yaraan 5 sacadood oo xidhiidh ah, ayuu holcayaa suuqii ugu waynaa Hargaysa (bakaaraha Somaliland) Somaliland. Hawsha daminta ayaa gashay waji suuq ah, ka dib markii dabku ka batay awooda shacabka & daeladda.Sidaas oo kale ma xaqiijin karno haddii uu jiro khasaaraha dabku gaadhsiiyey sartii dheereed ee Maamulka Telesom (Hadhwanaag Hotel), wixii se iyaddaka hooseeya ayaa laga soo sheegayaa khasaare laxaad leh.

Dabka ayaa la tuhunsanyahay in uu keenay shoodh ka dhashay koronto, maaha se warwar ka yimi ilo suggan. Masiibadan ayaa bilaabantay caawa fiidkii qiyaas ahaan (8pm), waxaanay ku soo beegantay xili jimce ah, oo badiba suuqu xidhnaa. Dhanka kale, waxa khasaaraha sii kordhinaaya, u diyaar garawga muusimka ciida wayn ee Fidriga, oo fooda innagu soo haysa & bisha barakaysan ee Ramadaan oo iskugu jirta bil cibaado & ganacsi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker