Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

Waxaa Magaalada Cape Town ee dalka koonfur Afrika ay kooxo Burcad ah saakay ku dileen muwaadin Somaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida Ganacsi ahaan u tagtay dalkaas.

Kooxda Burcad ah ayaa muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Macalin Cabdulaahi Cali Ciise ay ugu tageen Goobtiisa Ganacsi oo ku taalla Xaafadda Zola oo ka tirsan Strand – Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Mid ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed eek u nool dalkaasi Koonfur Afrika oo lagu Magacaabo Cabdullaahi Muuse ayaa sheegay in Kooxda Burcada ah ay muwaadinka dhowr xabadood ku dhufteen intaasi kadibna ay qaateen lacago iyo agab kale ee yaallay Goobtiisa Ganacsi.

Dhinaca kale xalay ayaa Koox Burcad ah waxaa ay rasaas ku dhaawaceen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ah Darawalada Taxis-da,waxaaan dhaawiciisa la geeyay Isbitaalka Tygerberg ee Magaalada Cape Town.

Inta badan dillalka ka dhaca Koonfur Afrika ayaa waxaa loo geystaa Soomaalida ku nool dalkaasi, kuwaasi oo ganacsiyo kala duwan leh, dableyda dilalka geysata ayaanan inta badan suuragelin in gacanta lagu soo dhigo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker