Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee JSL oo u jawaabay Dalka China
Wasiirka Arriimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa Jawaab adag siiyey Dawladda Shiinaha, isaga oo ku sugan dalka Taiwan oo ay socdaal shaqo ku joogaan isaga iyo wefti wasiirro ah oo ka socda dalka Somailland.
Wasiir Ciise ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal u madax banaan arrimihiisa oo aanay cid kale wax u yeedhin waxana uu yidhi โโAnnaga oo xor ah ayaanu dhalanay, annaga oo xor ahna waanu sii joogi doonna amma sii jiri doonaa, Annaga ayaa arrimahayga u madax bannaan sida aanu u maamulanaynoโ
Wasiirka Arriimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo waraysi siinayey wakaaladda Wararka ee Ruetures ayaa yidhi โShiinuhu waxba nooma yeedhin karo. Waddan kalena waxba nooma yeedhin karoโ
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciisa Kayd oo la hadlay warfidiyeenka ayaa sheegay in aanu Shiinuhu u talin dalkiisa. Waxaanu yidhi โWaxaannu ku dhalannay xornimo, xornimo ayaannu ku sugnaan doonnaa, ganacsigayagana waxaannu u maamuli doonnaa sidaanu rabno, Shiinuhu ma awoodo in uu na xukumo, mana jiro waddan kale oo na xukum karaa.โ
Wasiir Kayd waxa uu intaasi ku daray inay u furan yihiin inay la macaamilaan cid kasta oo ku ixtiraamta waddan madax-bannaan oo doonaysa inay ganacsi laโaan iyo wax shuruud ah ku xidhin. โWaxaan u maleynayaa inay taasi caddahay sida aan u tagi karo Shiinaha.โ
Dawladdaha Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa ka maseeray xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada waddan ee dimuqraadiga ah ee Somaliland iyo Taiwan.




