Waa Maxay Sababta Xilka Looga Qaaday Xeer-ilaaliye Axmed Cali Daahir ?

Muqdisho (OWN) โ€“ Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shalay xilkii ka qaaday Xeer ilaaliyihii Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir isagoo xilkaas u magacaabay Sulayman Maxamed Maxamuud.

Faah faahino dheeraad ayaa ka soo baxaya sababtii keentay xil ka qaadistiisa, Taas oo ay inta badan dadka Soomaaliyeed dhinacyo badan u kala fasirteen.

Maxamed Maxamuud Cadde oo ah weriye hore islamarkaana arrimaha siyaasadda ka faalooda ayaa sheegay in Axmed Cali Daahir uu dowladda ka ilaalin waayey qaladaad qaanuun, sida shaqadiisu ahayd, taasna ay horseeday in la beddelo.

โ€œXeer ilaaliyihii Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir waxa uu ku fashilmay in uu dowladda ku ilaaliyo qaanuunka oo aysan sameynin xadgudubyo balse waxaa dhacay wax aan la fileyn, kuwaas oo markii dambe sababay in maxkamad lala tiigsado Xukuumadda iyo aduunyada ay ka yaabto qaladaadka qaanuuniga ah ee dalka ka dhacaya,โ€ ayuu yiri Maxamed Cadde.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker