Haweeney Si Lama Filaan Ah Ugu Umushay Gudaha diyaarad Kusii Jeeday Maraykanka
Haweenay xaamilo ahayd oo la socotay diyaarad ka soo duushay dalka Ghana oo ku sii jeeday dalka Maraykanka ayaa si lama filaan ah ugu umushay gudaha diyaaraddii ay la socotay, arrintaa oo walwal iyo la yaab ku noqotay dadkii diyaaradda la saarnaa.
Haweeneydaan oo magaceeda ku sheegtay GG, ayaa sida la sheegay sabtidii la soo dhaafay waxa ay fool ku qabatay gudaha diyaaradda, iyada oo aan shinkeeda gaadhin, waxa ayna markii dambe umushay wiil.
Waa arrin aad nadir u ah in haweeney ay ku umusho gudaha diyaarad balse ma ahan wax dunida ku cusub.




