Dawladda Itoobiya Oo Jabhadda TPLF Shuruudo Ku Xidhay Si Dagaalka Loosoo Afjaro

Xukuumada Itoobiya ayaa sheegtay ineysan wax wadahadal ah la galaynin Jabhada TPLF ee dagaalka kala soo horjeedo haddii aysan fulin shuruudo ay soo bandhigtay

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibeda ee Itoobiya Dina mufti oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Addis ababa ayaa sheegay in haddii aan la fulin shuruudaha dowlada uu sii socon doono dagaalka.

Shuruudaha afhayeenku soo bandhigay ayaa waxay kala yihiin..

-In TPLF ay ka baxdo dhammaan degaanada ay qabsatay ee ku yaalla degaanada Cafarta iyo Soomaalida.

-In ay joojiyaan duulaanada ay soo qaadayaan, xabadana joojiyaan shuruud la’aan.

-Iyo in kooxdu aqoonsato dowlada dhexe Itoobiya.

Dadka falanqeeya xaalada Itoobiya ayaa sheegaya in shuruudaha ay soo bandhigtay dowlada ay yihiin kuwo aad u adag oo aan laga yaabin iney aqbasho TPLF.

Afhayeenka kooxdan Getachew Reda ayaa maalmo ka hor sheegay iney joojiyaan duulaanka ay ku qaadayaan Itoobiya haddii dowladu ay qaado xanibaada ay ku soo rogtay degaanada Tigray.

Dagaalada u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo xoogaga TPLF ayaa weli ka socda qeybo kala duwan oo ka tirsan degaanada axmaarada iyo Cafarta, waxaana ku dhintay kumanaan askari oo ka tirsan labada dhinac,halka shacab fara badana ay ku barakaceen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker