Jilaaga Arnold Schwarzenegger Oo Shil baabuur ku galey magaalada Los Angeles

Jilaaga Arnold Schwarzenegger ayaa shil baabuur ku galey magaalada Los Angeles ee gobolka California ee dalka Mareykanka, sida uu xaqiijiyey afhayeenkiisa.

Haweeney ayaa ku dhaawacantey shilkan, oo ka dhashey afar gaadhi oo isku dhacey galabnimadii Jimcaha, sida booliiska magaaladani uu sheegay.

Sawiro laga soo qaadey goobta, ayaa muujinaya gaari weyn oo nooca SUV ah, oo dul saaran saddex gaadhi oo kale, kuwaasoo wada yaalla isgoys ku dhaw guriga jilaaga, oo ku yaalla xaafadda sare ee Brentwood.

Booliiska ayaa sheegay inanay  jirin cid loo soo qabqabtey, waxeyna meesha ka saareen iney ku lug lahaayeen waxyaabaha maanka dooriya iyo khamriba.

Afhayeenkii hore ee gobolka California, ayaa u xaqiijiyey wargeyska Los Angeles Times, inuu watey gaariga SUV-ga jilaaga, markii uu shilku dhacey, balse aysan waxba gaarin.

Sawirro laga soo qaadey goobta shilka kadib, ayaa muujinaya 74 sano jirkani, oo taagan wadada dhinaceeda, markaasoo uu la hadlayey darawalada kale iyo ciidamada booliiska.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker