Wada Hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland Halkee Ayay Ku Danbeeyeen?

Cabdi Maxamed Sabriye, oo soo noqdey wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay inuu tuhmayo wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland in horumar laga gaadho iney cusleeyeen siyaasadaha ka jira magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Cabdi Maxamed Sabriye  wuxuu hoggaaminayey xiligii wada hadalka guddiga farsamo ee ka socday Soomaaliya, Wuxuu carabka ku dhuftey in wada hadalladii ugu danbeeyey markii lagu soo kala tagayey Jabuuti lagu balamey in la isku soo noqdo muddo laba toddobaad gudahood ah, oo cabashooyin jirey lasoo xaliyo.

Somaliland ayaa dooneysay in si guud deeqda loo wada siiyo Soomaaliya oo ay qeyb ka aheyd, iyada in saamigeeda gaar loogga dhigo mar waliba.

Sidoo kale, Somaliland ayaa dalbatey in maamulka hawada Soomaaliya labada qeybood iney wada maamulaan, iyo qodobka saddexaad oo la xidhiidhey amniga.

Waxaa lagu heshiiyey in saddexda qodob aynu soo xusney loo saaro saddex guddi farsamo oo soo diyaariya, sida uu sheegay wasiir Sabriye.

Wasiirka ayaa intaa ku darey in dhinacyadii u kala dab qaadayey labadda dhinac ee Midowga Yurub iyo Mareykanka, iney ku cuslaatey xalinta dalab ka imanayey Somaliland xalintiisa.

Dalabka Somaliland ayaa ahaa in guddiyada farsamo ee la magacaabo aaney qeyb ka noqon xubno kasoo jeedo Somaliland, taasoo ay dowladda Soomaaliya maareyn weyday inaan lagu soo darin guddiyada xubno ka socda Somaliland.

Ugu danbeyntii wasiir Sabriye, ayaa sheegay in xaaladdu dhaafi waysay ka soocista guddiyada farsamo xubnaha ka socda Somaliland , taasna ay hakisay shirkii lagu balan sanaa in la isugu yimaado muddo laba toddobaad ah.

Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa ahaa wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, ee wada hadaladii ugu danbeeyey ee ay yeeshaan Soomaaliya iyo Somaliland, kaasoo ka dhacey dalka Djibouti.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker