Mid ka mida Saddexdii Nin ee U Xukunaa Kiiska Caasha Ilyaas oo laga Qaatay Magdhaw

Garoowe (OWN) – Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, oo kamid ahaa Saddexdii Nin ee Loo xukmay Kiiskii Caa’isha Ilyaas, balse laba kamid ah la Qisaasay, ayaa la go’aamiyay  in la sii daayo, kadib markii ay kiiskiisa ka Heshiiyeen labada qoys.

 

Labada dhinac, ayaa ku Heshiiyay  in mag la siiyo Qoyska dhalay Gabadhii Yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aaden, islamarkaan  Xorriyaddiisa dib loogu celiyo , Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, Sida ay Xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

 

Magta lagu heshiiyay oo ah 75 Neef oo geela ayaa Hashiiba lagu qiimeeyay $500 oo Dollar, waxaana isla goobta lagu bixiyay lacag dhan $25,000 oo Dollar, taasi oo u dhiganta 50 Halaad.

 

Labada Qoys ayaa sidoo kale isla gartay in mudda saddex bilood gudahood ah lagu bixiyo, inta dhiman magta oo ah 25 halaad, taasi oo lacag ahaan ku Qiimaysan $12,500 oo Dollar.Dhinacyada oo wada-socda, ayaa Heshiiska ay wada-gaadheen oo qoraal ah.

 

la wadaagay laamaha Garsoorka iyo Amniga Maamul Goboleedka dowladda Puntland, waxaana sidaasi lagu Amray in la sii daayo Xukmane Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker