Dhegayso: Bankiga Dhexe ee Somalia oo amar kasoo Saaray Ganacsiga Forex

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa amray in la xiro xisaabaadka shirkadaha ka ganacsada sarrifka lacagaha qalaad ee online-ka, loona yaqaan Forex, kuwaas oo dhowaanahan kusoo kordhayey magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo isaga oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta la hadlay VOA ayaa sheegay inay soo gaartay cabashooyin ka dhan ah shirkadahan oo ay soo gudbiyeen shacabka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin wax ogolaansho ah oo Bankiga uu u siiyey shirkadahan inay ka ganacsadaan sarrifka lacagaha.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker