Beesha caalamka oo baaq cusub u dirtay madaxda Soomaaliya

Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa sheegay in soo dhoweynayaan shirweynaha Dowladda Federaaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ee maanta kusoo idlaaday magaalada Muqdisho.

Shirweynahaas ayaa lagu saxiixay heshiis hoggaaminaya in dalka doorasho looga qabto 60 maalmood gudahood.

”Waxaan Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble bogaadinaynaa sida uu u hogaamiyay geeddi-socodkan, iyo sidoo kale Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, iyo siyaasiyiinta kale ee sida habsanida leh ee wax ku oolka ah uga qaybqaatay wadahadallada. Waxaan Mahad u soo jeedinaynaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ oo ku baaqay 1dii bishan Maajo in lagu laabto hanaanka doorashada 17 Sebtembar ee heshiiska ku saleysan,” ayaa lagu yidhi qoraalka beesha caalamka.

”Waxaan hadda ugu baaqaynaa dhammaan saamilleyda inay si degdeg ah horey ugu socdaan si loo abaabulo doorashooyin loo wada dhanyahay oo daahfuran oo dib u dhac la’aan ah. Waxaan madaxda Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay wadahadal caadi ah oo dhexmara saxiixayaasha Heshiiskii 17kii Sebtembar ku xalliyaan wixii khilaaf ah ee mustaqbalka yimaada.”

Saaxiibada Beesha Caalamku ayaa intaas ku daray inay diyaar u yihiin inay madaxda Soomaaliya ku taageeraan hirgelinta heshiiskan taariikhiga ah.

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker