Danab Afar Caruur Ah Ku Dilay Meel Wax Yar U Jirta Dhuuso Mareeb

Roob xoog leh oo xalay ka da’ay qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud ayaa sababay dhimashada afar qof oo carruur ah iyo dhaawaca laba qof oo kale oo middi ay tahay hooyadii dhashay caruurtan oo isku qoys ahaa.

Wararka laga helayo deegaanka Inamid oo qiyaastii 35 km u jira magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in qoyskan oo reer miyi ah ay ku dhacday Danab, halkaasi oo afarta carruur ay ku dhinteen.

Dhinaca kale, gudaha magaalada Dhuusamreeb ayaa waxaa sidoo kale ku dhacay dhowr Danab oo kale, hasa ahaatee wax khasaare ah lagama soo werin.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker