Feejignaan La’aanta Shacabka JSL Iyo Soo Laba kaclaynta Xanuunka Covid-19

Xanuunka Covid_19, ayaa si hoose ugu faafaya gudaha Somaliland, waxaana jira Dad tiradoodu kordhaysa oo si Maalin leh ugu dhinta Xanuunkaasi.

War-bixinta Maalinlaha ah ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa lagu sheegay in Isniintii Xanuunka laga helay 82 Qof, ka dib markii la baadhay 421 Qof.

Warku wuxuu intaa ku daray in Isniintii 2 Qof u dhinteen Xanuunka, taasi oo muujinaysa Xaaladda Xanuunka ee gudaha Somaliland.

Dadka Xanuunka laga helay ayaa 51 qof ku sugan yihiin Magaalada Hargeysa, 14 Qof Berbera, Boorama 7, Burco 5, Laascaanood 5.

Ugu dambayn, labada Qof ee Xanuunka u Geeriyooday ayaa ku kala sugnaa Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker