Shirkadda DPWORD Oo Kordhisay Lacago Iyo Dekadda Berbera Oo Albaabaddu U Xidhmeen Iyo Ganacsato Ka Biyo-diiday

Dekadda Magaalada Berbera ayaa maalintii sideed xidhan, kaddib markii ay shirkada macaash doonka ah ee DPWORD ay kordhisay tacriifadii ay ka qaadi jirtay Dekadda,taas oo ay saddex jibaartay,isla markaana keentay inay ka biyo diidaan Ganacsatada iyo Bulshada reer Somaliland ee kale.

Xildhibaan Dayib oo kamid Xildhibaanad Golaha Guurtida Somaliland oo ka hadlay arrintaas ayaa eedaymo ujeediyey shirkadda DP word waxaanu baaq u diray Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa “DPWORD markii ay isku hubsatay inay Dekadii dhistay ayey hadda bilowday dadkii oo abaaraysan oo karoone fayras uu sameeyey in ay ku kordhiyaan shixnadii soo degaysay si ay uga helaan hantidii ay heli jireen min ka baddan ”

Xildhibaan ayaa soo bandhigay lacagaha ay kordhisay DPWORD “Haddii aan ka hadlo waxay kordhiyeen koontidharka 20ft wuxuu ahaan jiray$ 320, haddana waxay ka dhigeen $ 482,koontiidharka 40ft isaga waxay qaadi jireen markii hore $650,halka ay hadda ka dhigeen $859,alaabta aan ku iman koontiidharada waxay ahaan jirtay tankiiba $10,halka ay iminka ka dhigeen $15.”ayuu sheegay

Sidoo kalene Xildhibaan Dayib ayaa sheegay in shirkadda DPWORD ay qof kasta oo gellaya Dekadda ay ku soo rogtay lacag “taas waxa ka darran hadda qof walba oo gellaya Dekadda berbera oo muruq-maal ah oo u xamaal tegaya ama qof kale oo muraad u leh Dekadda waxa lagga qaadayaa $2,qaab kaas ayaa meeshii ka jira mudane Madaxweyne shirkaddii waxay damacday inay caddaadis weyn ku saarto dadkii Dekaddii, markaa kaddaaya dadka sidaas ,mise waxaad rabtaa in meesha lagga guuro .”ayuu yidhi

Isagoo Xukuumadda iyo Madaxweyne Biixi farriimo u dirray “DPWORD,waxaan leeyahay meeshan waad u soo shaqo tegtaan gacanasigii Somaliland wax ka heli jirtay oo dhan idinka ayaa qaata,Dawladda waxaan leeyahay waar nimankaas meeshan dhib weyn oo aad u weyn ayey ku hayeene Dekaddii,waxaan ugu baaqayaa Wasiirka Ganacsiga iyo masuuliyiinta kale ee Dawladda meeshan wax-yaabaha addag ee ka jira Dekaddii Berbera in la eego .”

Xildhibaan ayaa sheegay in maalintii toddobaad ay xidhan tahay Dekadda Berberi “Maanta ayaa u toddoba ah inta ay xidhan tahay Dekaddii Berbera khasaare intee leeg ayaa dalka soo gaadhay ,qaybtan ay wax ka jiraan waa qaybta DPWORD lagu wareejiyey .”ayuu yidhi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker