Nin muslim ah oo diyaarad ka dhex yiri ‘Alle ayaan jeclahay’ iyo wixi lagu sameeyay

Nin 29 sano jir ah oo u dhashay dalka Masar ayaa ku dhex xanuunsaday diyaarad uu saarnaa, kadib waxaa gurmad u fidiyay shaqaalaha caafimaadka diyaaraddaas.

Waxay u keeneen dawo, intaa kadib, warqadda ogolaanshiyaha dawada ee la siiyay ayaa waxaa uu ku qoray ereyga ah “Waxaan jeclahay Alle”.

Tallaabada uu qaaday rakaabkaas ayaa dhalisay tuhun, waxayna hor seeday in duuliyaha diyaaradaas oo u socotay Paris codsado inuu ku dego garoonka Roma.

Markii ay diyaaradda degtay, ninkaas ayaa gacanta lagu dhigay waxaana durbadiiba lagu bilaabay baaritaan.

Baaritaanka kadib, waxaa lagu waayay wax dembi ah. Diyaaradda ayaa ugu dambeyntii u ambabaxday magaalada Qaahira balse waxaa ay ka tagtay oo ka baaqday rakaabkaas u dhashay dalka Masar.

Dhacdadaas ayaa dhacday talaadadii la soo dhaafay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker