Xukuumadda Somaliland Oo Ciidamo Tiro Badan Geysay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa qaadaysa talaabo ay cadaadis xoogan ku saareyso Hogaamiyaha jabhada Kornayl Siciid Caare oo cadaalad la’aan ka tirsanaya Xukuumadda Somaliland.

 

Xukuumada Biixi ayaa maalmahan ugu danbeeyey Ciidamo badan ku daabulaysa deegaano ka tirsan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, oo u dhow Buuraley ay saldhig ka sameeysteen ciidamada uu hogaamiyo Kornayl Caare.

 

Ciidamadan la geeyay deeeganadaas ayaa waxa hogaaminayey Taliyaha Ciidamada RRU-da Somaliland, kuwaasi oo laga soo kala qaaday deegaanada Tukaraq iyo qaybo ka mid ah Somaliland .

 

Wararka ayaa sheegaya in Xukuumadda Somaliland ay ciidamadan keentay deegaankaas kadib markii ay wax natiijo ah kasoo bixi waayeen wada-hadal ay labada dhinac ka dhex wadeen guddi iskugu jiray odayaal iyo waxgaradka gobolka Sanaag.

 

Ilaa iyo haddana ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumada Muuse Biixi oo ku aadan ciidamadan badan ee saaka ay geysay deegaanada Gobolka Sanaag .

Oodweynenews

Sanaag Office

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker