Sacuudiga oo markii ugu horeeysay xusay Aasaasihii Boqortooyada Sacuudi Careebiya

Sacuudi Carabiya ayaa marki ugu horreysay sameysay dabaaldag lagu xusay ninki aas-aasay boqortooyada muddo hadda laga joogo ku dhawaad 300 oo sano.

Munaasabadda ayaa lagu xusayay maalinti uu aas-aasihi Sacuudiga Maxamed bin Sacuud uu la wareegay talada imaaradda Diriyah, markaas oo ku beegneyd, sannadki 1727.

Diriyah ayaa ah magaalo dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Riyadh.

Doorashada taariikhda lagu soo beegay munaasabadda ayaa ah mid hoos u dhigeysa doorki udub-dhaxaadka ahaa ee ay wadaadadda Wahaabiyada mintidka ah ee Islaamka ku lahaayeen Sacuudiga.

Dhaxal-suge Maxamed Bin Salman ayaa laalay oo awooddii wadaadda isla markaana meesha ka saaray ciidanki booliska ee masuulka ka ahaa hirgelinta shareecada. Wuxuu waddanka u furay bandhigyada muusigga isla markaana daaha ka rogay shaleemooyin tiro badan.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker