Wiil Soomaaliyeed oo Bulshadiisa u Sameeyay Adeeg aan Hore Loo Arag

Maxamed Nuur Xuseen, waa wiil Soomaaliyeed oo ka hirgaliyay baraha bulshada gaar ahan Facebook page magaciisu yahay (iM252) oo macnaheedu yahay waxaan ahay Soomaali, bartiisa ayuu ka baahiyaa muuqaalo casharo ku saabsan Tiknolojiyada casriga ah oo faa’iido u leh bulshada Soomaalida.

Lasocoshada barshada Tiknolojiyadu ma sahlana,habka uu adduunku u guurayo ayaa keenaysa in dad badan aysan aqoon isticmaalka xogaha ku kaydsan taleefanada casriga ah iyo kumbuutarada, habka ugu fudud ee aduunku kula socda isbadalka Tiknoolajiyada waa in la helo xirfadlayaan aqoontaas ku soo gudbiya baraha bulshada.

”Marka u horeysa Tiknoolajiyada waxaan ka soo galay hami aan u lahaa yaraantaydii oo aan jeclaa farsamada Taleefanada gacanta,Radiyaha iwm,Hooyaday iyo Abaahay waxay dhinteen aniga oo jira 2 sanno ilaa waxbarshadaydii dugsi sare waxan ku qaatay koleej ku yaala Afgoye oo layiraahdo (Tadaamud) waxbarashda heerka koowaad (computer science) waxan ku qaatay jaamacadda Muqdisho,Master’s degree,waxan ku diyaariyay Computer Science and Engineering(Daffodil International University Dhaka,Bengladesh, waxaan ku noolahay Mugadishu” sidaas waxaa BBc-da u sheegay Maxmed Xuseen.

Maxamed Nuur XuseenMAXAMED NUUR XUSEEN

Maxamed wuxuu leeyahay xarun uu ku nakhshadeeyo muuqaalada uu ka baahiyo bartiisa (iM252) isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu BBC-da u sheegay.

” Dadweynaha Soomaalidu baryahan waxay u badan yihiin baraha bulshada, waana sida ugu fudud ee aan bulshada aqoon ugu gudbin karo, taas ayaa sababtay in aan magacan sameeyo oo aan ka soo qaatay (iM) oo ah eray Englisha ah macnihiisu yahay Aniga iyo (252) oo ah furaha Soomaaliya macnuhu wuxuu noqonayaa waxaan ahay Soomaali, muuqaalada iyo soosaaristooda aniga ayaa sameeya oo farsameeya”

Dadweynaha Soomaalida ee isticmaala baraha bulshada ayaa si wayn ula socda muuqaalada cusub ee laga baahiyo barta (iM252).

Maxamed Nuur XuseenMAXAMED NUUR XUSEEN

Muxuu rajaynayaa mustaqbalka Maxamed

Wiilkan ayaa BBC-da u sheegay in uu muqtaqbalka uu doonayo in uu Soomaaliya u matalo tartanada Tiknoolajiyada aduunka inta ka horeysana uu bilaabi doono in uu casharo ku bixiyo luuqado kale sii ay u gaaro hadafkiisa.

Soomaali badan ayaa siyaabo kala duwan u isticmaala baraha bulshada sida siyaasada iyo Fanka.

Talaabadan ayaa dhiiri galin u noqonaysa dhaliyarada aqoonta leh in ay baraha bulshada u isticmaalaan dhanka aqoon wadaaga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker